Kooxda Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay Manchester United ka afduubato saxiixa Rasmus Hojlund Sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda reer France ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo Man United xilli ay Red Devils diidantahay in ay bixiso lacagta 55 milyan ee ay Atalanta ku qiimayso xiddiga 20 jirka ah.
Man United ayaa xiddiga Hojlund ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga si ay ugu xoojiyaan weerarkeeda xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin United ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Atalanta kala heshiiso qiimaha xiddiga iyada oo kooxda Atalanta dalab ka diiday Red Devils.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda PSG ayaa wadahadalo la bilowday wakiilka xiddiga iyaga oo doonaya in ay helaan saxiixiisa suuqa xagaaga.
PSG ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka Mbappe waxana ay xddiga 20 jirka ah u arkaan mid buuxin kara booska uu baneeyo xiddiga reer France.
Sii Akhriso: Xukuumada Somaliya Oo Bilaabaysa Wajiga 2-aad Ee Dagaalka Al-Shabaab, Wax Ka Ogow Dagmooyinka Ay Al-Shabaab Haatan Maamusho.
Related