Mikel Arteta ayaa sheegay in uuna ka shalaynayn in uu seegay saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Mason Mount ka hor kulanka saaxiibtinimo ee ay Arsenal caawa la ciyaari doonto Manchester United.
Gunners ayaa ka mid ahayd kooxo premier League ah oo doonayay axiixa xiddiga reer England kadib markii ay cadaatay in uu ka tagayo kooxda chelsea.
Arteta ayaa doonayay in uu xiddiga ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa laakiin Mount ayaa doortay ku biirista kooxda Man United.
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la waydiiyay hadii uu ka shalaynayo in uu seegay saxiixa xiddiga Mount.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda aan la soo saxiixanay iyo ciyaartoyda aan ku haysano kooxda”ayuu Arteta yidhi markii la weydiiyay go’aanka Mount ee ku biiray United.
Sii Akhriso: Maamul Goboleedka Puntland Oo Eed Culus U Soo Jeedisay Madaxweynayaasha Muuse Biixi & Xassan Sheekh.

Related



Source link