Dominik Szoboszlai ayaa lagu soo waramayaa in uu shaki ku jiro in uu ciyaari karo kulanka saaxiibtinimo ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Greuther Furth isniinta.
Sida laga soo xigtay DaveOCKOP, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hungary ayuu dhaawac ka soo gaadhay tababarkii waxana uu u baahanyahay baadhitaan.
Waxaa la fahamsan yahay in uu dhaawacu yahay mid aan halis ahayn laakiin ay kuraantu barartay.
Liverpool ayaa rajaynaysa in xiddiga Szoboszlai uuna marin wadadii xiddigii Naby Keita kaas oo isna kaga soo biiray RB Leipzig laakiin dhaawac ku dhibaatooday.
Xiddiga Szoboszlai ayaan lahayn rikoodh dhaawac oo xun maadama uuna wax dhaawac ah ku maqnaan tan ilaa bishii November ee snaadkii 2021.
Related