Graeme Souness ayaa su’aal galiyay in Andre Onana uu yahay xiddig la heer ah David De Gea waxana uu sheegay in uu Onana qalbi jab ku ridi doono taageerayaasha Man United xilli ciyaareedka dambe.
United ayaa 51 milyan uga soo biiray Inter Milan waxana uu noqday badalk Tooska ah ee Old Trafford.
Onana ayaa Inter ka caawiyay in ay gaadho tartanka champions League xilli ciyaareedka waxana uu kooxda u saxiixay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono United.
Souness ayaa rumaysan in awooda Onana ee ku ciyaaritsa lugta laakiin ma hubo in uu yahay Goolhaye ka fiican David De Gea.
“Marka aad eegto dhinaca Goolhayaha iyo awooda adeegsiga gacmaha uma malaynayo in uu ka fiicanyahay David Gea”ayuu Souness yidhi.
“Onana waa xiddig ku fiican ciyaarista kubada waxana uu kooxda siin donaa fursado badan oo weerar ah laakiin marka laga hadlayo kubada gacanta uma malayanyo in uu ka fiicanyahay De Gea”.

Related



Source link