Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saaran tahay in ay bur-buriso qorshaha Arsenal ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Muhammad Kudus.
Gunners ayaa horay xiiso ugu muujisay xiddiga ka ciyaari kara boosaska badan ee weerarka iyada oo Arteta doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.
Pochettino ayaa doonaya in uu dib u dhiska kooxda Chelsea ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Sida laga soo xigtay wargayska The Atlantic, chelsea ayaa xidhiidh la samaysay kooxda Ajax si ay ugala heshiiso saxiixa xiddiga reer Ghana.
Inkasta oo ayna Chelsea wali wax dalab ka gudbin saxiixa xiddiga hada waxa ay ku dhawdahay in ay la gaadho heshiiska shaqsiga ah.
Related