Roberto Firmino ayaa furay akoonkiisa goolasha ee kooxda Al-Ahli ka dib markii uu labo gool dhaliyay intii lagu guda jiray ciyaartii saaxiibtinimo ee ay ku badiyeen 18-0.
Xiddiga reer Brazil ayaa soo afjaray xirfadiisa Liverpool kadib makrii uu ka tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Firmino ayaa kooxda Liverpool kula guulaystay Premier League, Champions League, Carabao Cup, FA Cup, UEFA Super Cup & Club World Cup.
Guud ahaan, Firmino ayaa u saftay 362 kulan tartamada oo dhan kooxda ku ciyaarta Anfield, isagoo u dhaliyay 111 gool.
31-sano jirkaan ayaa go’aansaday inuu ka tago yurub isagoo u saxiixay kooxda Saudi Professional League ee Al Ahli horaantii bishaan.
Arbacadii, Firmino ayaa labo gool dhaliyay 20 daqiiqo gudahood iyadoo Al Ahli ay ku xasuuqday kooxda heerka labaad ee Austria ee USV Stuhlfelden.
Kooxda cusub ee Firmino ayaa 10-0 ku hogaaminaysay ka dib 45 daqiiqo ka hor inta ayna ku darin sideed gool oo kale qaybtii dambe.

Related



Source link