Kooxda RB Leipzig ayaa qalbiga ka jabiyay kooxda Man City iyo dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Joško Gvardiol.
Heshiiska ay Man City ku doonayso saxiixa Joško Gvardiol ayaa halis ku jira in uu bur-buro kadib markii ay RB Leipzig ka xanaaqday xogo ku saabsan heshiiska oo ay Man City saxaafada u dumisay.
Kooxda RB Leipzig ayaa haatan xaqiijisay in ay kooxda Man City doonayso saxiixa xiddiga Joško Gvardiol laakiin ay si aad ah u kala fogyihiin.
Agaasimaha Ciyaaraha kooxda RB Leipzig oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Man City waxa ay doonaysaa saxiixa xiddiga Joško Gvardiol, laakiin haatan aad ayaan u kala fognahay”.
“Iibkii aan Dominik Szobozlai ka iibinay Liverpool ayaa naga caawiyay dhinaca dhaqaalaha sidaas darteed uma baahnin wax lacag ah haatan”ayuu sii raaciyay.
“Waxa aan doonaynaa in uu Joško Gvardiol sii joogo kooxda uu noo ciyaaro xilli ciyaareedka dambe”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Go’doomintii Ay Ku Haysay Magaalada Baydhabo

Related



Source link