Kooxda Brighton ayaa ka naxsatay chelsea kadib markii ay kor u qaaday qiimaha ay doonayso in ay ku iibiso xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.
Xiddiga khadka dhexe ee Ecuador ayaa ah bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Blues inta ka harsan suuqa kala iibsiga.
Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa laga diiday dalab 70 milyan oo euro iyada oo ay Brighton markii hore dalbanaysay ugu yaraan 100 milyan oo euro.
Si kasta ha ahaatee Brighton ayaa haatan qiimaha ay ku doonayso xiddiga kor ugu qaaday 105 milyan oo euro kadib markii ay Arsenal 105 milyan kula wareegtay xiddiga Declan Rice.
Brighton ayaa aaminsan in uu Caicedo la qiimo yahay xiddiga Rice waxana ay Brighton doonaysaa in ay xiddiga ku iibiso 105 milyan oo euro.
Chelsea ayaa haatan go’aansan doonta haddii ay aaminsan yihiin in Caicedo uu u qalmo lacagta ay Brighton dalbanayso.
Sii Akhriso: WARBIXIN: Is Bar-Bardhig Lagu Sameeyay Mushaharka Ay Qaataan Ciidamada Nabad Ilaalinta Somaliya Jooga Ee ATMIS & Ciidamada Xooga Dalka Somaliya.
Related