Liverpool ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace Cheick Doucoure si ay u bedelaan Fabinho.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababta ay tahay in ay Liverpool u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Mali.
23-sano jirkaan khadka dhexe ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu 26 milyan ugu soo biiray kooxda.
Sida laga soo xigtay Athletic, Palace ayaa dalban doonta ugu yaraan 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe.
Waa tan sababta ay Liverpool tahay in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Doucoure.
1.Doucoure Oo Ahaa Xiddiga ugu Fiican Crystal Palace:
Arinta oo gaaban, Doucoure ayaa ahaa xiddig fiican sanadkiisii ugu horeeyay ee Premier League.
Xiddiga ayayna wakhti dheer ku qaadan in uu la qabsado premier League iyada oo uu xiddigu muujiyay in uu yahay xiddig tayo leh.
Sidaas darteed Doucoure ayaa si deg-deg ah ula qabsan kara Liverpool hadii uu ku biiro.
2.Waa xiddig da’yar ah laakiin khibrad leh:
Doucoure Ayaa u ciyaari kara khadka dhexe ee Liverpool muddo 10 sano ah isaga oo noqon kara badalka tooska ah ee Fabinho.
Inkasta oo uu da’yar yahay hadana xiddiga ayaa leh khibard fiican oo uu ku caawin karo kooxda Liverpool tartamada waaweyn.
3.Hadda Ama waligeed:
Liverpool ma bixinaysaa qiimaha Doucoure ee 70-ka milyan ah? waxa laga yaabaa in ayna bixin doonin.
Liverpool ayaa aaminsanayn in xiddiga Doucoure uuna u qalmin in lacagtaas Laakiin xaqiiqada ayaa ah in qiimaha xiddigu uu noqon doono mid intaas ka badan wakhti dhaw sidaas darteed hadii ay hadda u dhaqaaqi waydo waligeed ma heli doonto maadama uu qiimaha xiddigu ka sii kordhi doono marka la eego qaab ciyaareedkiisa.
Sii Akhriso: Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Quraanka Ee Lagu Gubay Sweden.

Related



Source link