Halyeeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa aaminsan in saxiixyada fiican ee Arsenal ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.
Gunners ayaa lacag dhan 200 milyan euro suuqa galisay ilaa haatan xagaaga iyaga oo la soo saxiixday Declan Rice, Jurrien Timber iyo Kai Havertz.
Mikel Arteta ayaa doonayay in uu xoojiyo laf dhabarta kooxdiisa kadib markii ay kulamadii ugu dambeeyay ku fashilmeen ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkii hore.
Gunners ayaa ku dhamaystay kaalinta 2-aad iyaga oo 5 dhibcood ka dambeeyay kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka premier League.
Rooney ayaa aaminsan in saxiixyada kooxdu samaysay xagaagan ay ka caawin karaan in ay Man City ku garaacdo horyaalka premier League.
“Waxay ila tahay in qof kasta oo la loolamo Manchester City ay u badan tahay inuu aad u adag yahay laakiin runtii waxaan jeclahay ciyaartoydii ay Arsenal la soo wareegtay,” ayuu yidhi Rooney.
“Waxaan filayaa inay la soo saxiixdeen ciyaartoy aad u fiican, oo khibrad leh sidoo kale”.
“Marka aad eegto ciyaartoydii ay Arsenal heshay oo ay la soo wareegtay, runtii waxa ay u dhisayaan koox adag oo ka fiican tii xilli ciyaareedkii hore sidaas darteed waxa ay samayn doonaan wax ka fiican sidii hore”.

Related



Source link