Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Andre Onana kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Inter Milan.
Man United ayaa Onana ka saxiixat heshiis ilaa xagaaga 2028 isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee kooxda Man United.
Onana ayaa Man United ugu soo biiray lacag dhan 45 milyan oo euro isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.
“In aan ku biiro Manchester United waa sharaf cajiib ah – waxaana si adag u shaqeeyay nolosheyda oo dhan si aan u gaaro xilligan”ayuu Onana yidhi.
“Inaan ka ciyaaro Old Trafford oo aan difaaco maaliyada waa arin cajiib ah waana khibrad aad u fiican”.
Onana ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay Man United samayso suuqa xagaagan kadib Mason Mount.

Related



Source link