Kooxaha Premier League ayaa durba suuqa wacdaro ka dhigaya iyaga oo sameeyay saxiixyo badan suuqana galiyay lacag aad u badan.
Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ilaa haatan wacdaraha ka dhigtay premier League iyaga oo suuqa galiyay lacagaha ugu badan kooxaha premier League.
Gunners ayaa suuqa galisay lacag dhan 200 milyan oo euro iyaga oo kula soo wareegay 3 saxiix oo ay aad ugu baahnayd.
Waxa ku xiga kooxda Liverpool oo suuqa galisay 95 milyan oo euro iyaga oo kula soo saxiixday 2 xiddig.
Waxa ku xigta kooxda chelsea kuwaas oo suuqa galiyay 84 milyan iyaga oo kula soo saxiixday xiddigo 8 ah inkasta oo aan inta badan la ogayn qiimaha ay ka soo bixiyeen.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa kala iibsiga xagaaga kooxaha premier League:
Arsenal: 200 milyan
Liverpool: 95 milyan
Chelsea: 84 milyan
Man United: 55 milyan
Newcastle: 52 milyan
Tottenham: 40 milyan
Man City: 30 milyan
Related