Jurrien Timber ayaa sharaxay sababtii uu isaga diiday kooxda Man United kuna doortay kooxda Arsenal.
Timber ayaa todobaadkan ku biiray kooxda Arsenal inkasta oo muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo uu Eri Ten Hag doonayay in uu la midoobo xididga.
“Runtii marka aan hadlo, waxa aan haystay dookhyo laakiin Arsenal ayaa ahayd mida kaliya ee aan doortay”ayuu Timber yidhi.
“Waa koox qurux badan, fiiri sannadkii hore”.
“Dabcan, sanadihii hore waxay ahaayeen kuwo qurux badan laakiin sannadkii hore waxa ay kooxdu qaaday tallaabo weyn, kooxdu way koraysaa waxana aan doonayaa in aan ka qayb ahaado”.
Daafaca dhexe ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan heysanaa koox xoogan, rajadu aad ayay u sareysaa sababtoo ah xilli ciyaareedkii hore waxay soo qaateen xilli ciyaareed heer sare ah, waxaana ay soo iibsadeen ciyaaryahano, aan aragno waxa aan sameyn karno”.
Sii Akhriso: XASAASI: Puntland Oo Qaaday Tallaabo Dhabar Jab Ku Ah SSC-Khaatumo & Dagaalka ay Ka Wadaaan Lasacaanood.
Related