Xiddiga Christopher Nkunku ayaa taageerayaasha chelsea durba wax ka tusay waxa uu samayn karo kulankiisii ugu horeeyay ee Blues.
Christopher Nkunku ayaa ciyaaray kulankii ay chelsea xasuuqday kooxda Wrexham isaga oo guul ku hogaamiyay kooxdiisa Chelsea.
Xiddiga reer France ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo lagu badalay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ku bilowday ciyaarta.
Xiddiga ayaa wacdaro dhigay qaybtii uu ciyaaray isaga oo waliba dhaliyay gool qurux badan oo uu isku baray taageerayaasha kooxda chelsea.
Halkan ka daawo goolka uu Nkunku Isku baray taageerayaasha chelsea
Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ku Dhawaad 100 Al-Shabaab Ah Lagu Khaarajiyay Hawlagadlii Ugu Dambeeyay Ee Ciidanka Qaranka Somaliya
Related