Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ayna xiiso u qabin saxiixa Harry Maguire inkasta oo chelsea lala xidhiidhinayay daafaca dhexe maalmihii ugu dambeeyay.
30-sano jirkaan ayaa xagaagan laga xayuubiyay kabtanimada Old Trafford, waxaana si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isagoo raadinaya boos joogto ah.
West Ham ayaa haatanba laga diiday dalab amaah ah oo ay ku doonayso saxiixa daafaca iyada oo Red Devils doonayso in ay si toos ah u iibiso xiddiga.
Wararka ayaa maalmihii ugu dambeeyay sheegayay in ay chelsea xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara xilli ay suuqa ugu jirto daafac dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Guardian, Mauricio Pochettino kooxdiisa haatan kama fikirayaan inay u dhaqaaqaan Maguire inkastoo ay u baahan yihiin ugu yaraan hal daafac dhexe.
Wararka ayaa sheegaya taas badalkeeda in ay Chelsea doonayso saxiixa xiddiga Marc Guehi oo haatan daafaca uga ciyaara kooxda Crystal palace.
Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ku Dhawaad 100 Al-Shabaab Ah Lagu Khaarajiyay Hawlagadlii Ugu Dambeeyay Ee Ciidanka Qaranka Somaliya
Related