Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Wesley Fofana ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay xilli uu isugu diyaarinayay xilli ciyaareedka cusub ee kooxdiisa.
Chelsea ayaa xaqiijisay in dhaawaca Wesley Fofana yahay mid halis ah isla markaas uu u baahday qaliin loo baahanyahay in lagu sameeyo.
Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in uu xiddigu muddo garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawaca soo gaaday.
Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France garoomada ka maqnaan doono muddo kadib markii uu dhaawaca soo gaadhay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wesley Fofana uu gabi ahaan seegi doono xilli ciyaareedka soo socda oo dhan maadama uu dhaawaca xiddigu yahay mid halis ah.

Related



Source link