Mikel Arteta ayaa Arsene Wenger ku tilmaamay ‘Nin aad u caqli badan’ kadib markii uu Tababarihii hore ee kooxda Arsenal u saadaaliyay Gunners ku guulaysiga horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa ku dhawaatay in ay soo afjarto 19 sano oo ay sugaysay ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkii hore.
Kadib fashilii Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka Gunners ayaa keentay xiddigaha Rice, Havertz iyo Timber si ay u dhisto koox ku tartami karta horyaalka premier League.
Wenger ayaa ku kalsoon in kooxdiisii hore ku guulaysan doonto horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedka dambe.
Arteta ayaa rajaynaya in saadaasha tababarihiisii hore noqoto mid run ah kooxdiisuna ku guulaysato premier League xlli ciyaareedka.
Arteta oo la hadlaya ESPN ayaa yidhi”Waxan rajaynayaa in saadaashiisu noqoto mid sax ah, waa Nin caqli badan waliba leh khibrad weyn”.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.

Related



Source link