Man United ayaa garaacday Kooxda Lyon kulankoodii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kulan xiiso lahaa.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Mason Mount ka ciyaaray booska No.10 xilli uu Ten Hag ku soo galay shax adag oo uu Sancho hogaaminayo weerarka tooska ah.
Red Devils ayaa maamulaysay ciyaarta hadii ay tahay dhinaca kubad haysashada iyo waliba fursadaha la samaynayo.
Kooxda Erik Ten Hag ayaa qaybtii hore ku dhibaatooday in ay dhaafaan kooxda Lyon kuwaas oo iska caabin sameeyay.
Qaybtii dambe ayuu Ten Hag is badal weyn ku sameeyay shaxda isaga oo ku soo galay xiddigo cusub si uu fursad u siiyo xiddigaha oo dhan.
Waxa markan ku bilowday xiddiga Jonny Evans oo shalay ku soo biiray kooxda una saxiixay heshiis wakhti dhaw ah.
Bilowgii qaybtii hore ayuu xiddiga Donny Van de Beek dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo dhaliyay daqiiqadii 49-aad kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Ciyaarta ayaan intaas wixii ka dambeeyay waxba iska  badalin xilli ay Lyon ku dhibaatootay in ay xitaa tijaabiyaan Goolka kooxda Man United.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Lyon kulankoodii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Related



Source link