Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Joško Gvardiol kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay Leipzig iyo Man City si Rasmi ah uga heshiiyeen saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.
Xiddiga Josko Gvardiol ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man City waxana uu ogolaaday heshiis wakhti fog ah.
Xiddiga reer Coratia ayaa haatanba ku baasay qaybta hore ee tijaabada caafimaadka kooxda Man City waxana uu ku dhawyahay in lagu dhawaaqo heshiiska.
Xiddiga ayaa noqon doona saxiixi ugu horeeyay ee kooxda Man City ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link