Kooxda Liverpool ayaa kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al Ettifaq kala heshiisay saxiixa xiddiga kabtankeeda Jordan Henderson sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Liverpool iyo Al Ettifaq ayaa si afka ah uga heshiiyay saxiixa Xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Henderson la midoobi doono saaxiibkiisii hore ee Steven Gerrard.
Henderson ayaa wakhti hore Hehsiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al Ettifaq isaga oo ogolaaday heshiis 3 sano oo uu ku joogi doono kooxda ka ciyaarta sucuudiga.
Romano ayaa xaqiijiyay in haatan la saxiixayo warqadaha heshiska ka hor inta aan si Rasmi ah loogu dhawaaqin heshiiska xiddiga reer England.
Henderson ayaa soo afjari kara sanado badan oo uu ku sugnaa kooxda Liverpool kulana guulaystay koob walba oo suurtagal u ahaa.
Related