Xiddiga kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa durba la kulmaya dhaleecayn xoogan todobaadyo yar kadib markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal.
Havertz ayaa kooxda Arsenal ugu soo biiray lacag dhan 65 milyan oo euro waxana uu ka mid yahay 3 saxiix oo ay samaysay kooxdu xagaaga.
Xiddiga ayaa albaabka dambe ka galay taariikhda kubada cagta kadib markii uu ku fashilmay in uu wax gool ah u badalo tartan uu la galay xiddigaha MLS All-Star.
Havertz ayaa loo baahnaa in uu gool u badalo kubad loo karoosay laakiin xiddiga ayaa dhamaan fursadihii uu helay cirka wada mariyay ama Goolhayaha dhaafin waayay.
Sidaas darteed Havertz ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda aan wax gool ah ka dhalin taranka karooska goolloo badal tartankii ay Gunners la gashay MLS All-Star.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.
Related