Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka Riyad Mahrez kaas oo ku dhaw in uu ku biiro horyaalka sucuudiga.
Xididgii hore ee kooxda Leeds United haatan u ciyaara Barcelona ee Raphinha ayaa ah xiddiga uu Guardiola doonayo in uu keeno kooxdiisa si uu badal ugu noqdo Mahrez.
Mahrez ayaa saacadaha soo socda u duuli doona sucuudiga si uu u dhamaystiro heshiisak uu ugu biirayo kooxda Al-Ahli kadib markii ay Man City ogolaatay qiima ay kooxda Al-Ahli bixinayso.
Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Raphinha inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u helaan lacag ay ku xoojiyaan kooxda.
Guardiola ayaa taageere u ah xiddiga reer Brazil waxana uu doonayaa in uu u dhaqaaqo xiddiga marka uu Mahrez dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Al-Ahli.

Related



Source link