Erik ten Hag ayaa aaminsan in Jonny Evans uu saameyn weyn ku yeelan karo ciyaartoyda da’da yar ee Manchester United ka dib markii uu go’aansaday inuu 35 jirka ka saxiixdo heshiis wakhti dhaw ah.
Daafaca dhexe ayaa ka qayb galay kooxda ciyaaraysa kulanka Lyon ee saaxiibtinimada kadib markii uu tababaruhu ku daray Liiska xiddigaha u safray USA.
Inkasta oo ayna cadayn in uu Evans ka qayb ahaan doono kooxda Man United ee bilaaban doonta xilli ciyaareedka Ten Hag ayaa la dhacay shaqada xiddiga ee tababarka uu la qaatay kooxda.
Markii la waydiiyay sababtii uu Evans uga qayb dhigay xiddigaha wajahaya kooxda Lyon ayuu Ten Hag Yidhi”Waxan aqoon u laaa isaga muddo dheer, waxa aan ogaa in uu halkan joogay wakhti hore”.
“Waxa aan u ogolaanay in uu tababar nala qaato maadama ay inta badan xiddigaha kooxda 1-aad ku maqan yihiin fasaxii xulalka kadib waxa aan aaminay in ay fikrad fiican tahay in uu Jonny na caawiyo”.
Related