Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xiddig kale oo Ajax ah ku soo daro kooxdiisa xagaagan.
Gunners ayaa horay u xaqiijisay saxiixa Jurrien Timber oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Holland.
Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa hadda bartilmaameedsanaya weeraryahanka Mohammed Kudus si ay uga dhigaan saxiixii 4-aad ee suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay wargayska Mail, Arteta ayaa aaminsan in uu Xiddiga Kudus door weyn ka ciyaari doono dib u dhiska uu ka wado kooxdiisa.
Gunners ayaa lacag badan galisay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Timber, Kai Havertz, iyo Declan Rice.
Kooxda kaalinta labaad kaga dhamaystay horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay u tartanto ku guulaysiga horyaalka iyo champions League xili ciyaareedka dmabe.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.

Related



Source link