Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey.
Arsenal ayaa kaliya iibin doonta xiddiga khadka dhexe hadii ay helaan dalab aad u sareeya todobaadyada soo socda.
Xiddiga reer Ghana oo kooxda 1-aad ee Arsenal kula biiraya safarka America ayaa saamayn weyn ku lahaa kooxda isaga oo ka caawiyay in ay Man City kula tartanto Premier League.
Si kasta ha ahaatee qaab ciyaareedka Partey ayaa hoos u dhacay sabab la xidhiidha dhaawacyo todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Mustaqbalka xiddiga ayuu shaki weyn ku jiray toodbaadyadii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa diidan in ay iibiso xiddiga Partey waxana ay kaliya ku iibinaysaa hadii ay hesho dalab kor uga badan 40 milyan oo euro.
Gunners oo suuqa lacag badan galisay xagaagan ayaa diyaar u ah in ay sii haysato xiddiga maadama uu Arteta aaminsanyahay in uu muhiim ka yahay qorshihiisa.

Related



Source link