Taageerayaasha kooxda Juventus ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyaga oo ka soo hor jeeda dadaalada ay kooxdoodu ugu jirto saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Romelu Lukaku.
Xiddiga reer Belguim ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Chelsea kadib markii uu hal sano oo amaah ah ku qaatay kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Dookha Lukaku ayaa ahaa in uu sii joogo Inter Milan laakiin Inter Milan ayaa isaga baxday baacsiga sabab la xidhiidha qiimaha ay Chelsea dalbanayso.
Juventus ayaa haatan wadahadalo kula jirta kooxda Chelsea si ay ula saxiixato xiddiga reer Belguim Laakiin taageerayaasha kooxda Juventus ayaa ka soo hor jeeda saxiixa xiddiga.
Muuqaal laga soo duubay isniintii meel ku dhaw xarunta caafimaadka Juventus ayay taageerayaasha Juventus ku dhawaaqayeen”Ma rabno Lukaku”.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka taageerayaasha:

“Noi #Lukaku non lo vogliamo”: tifosi #Juve contro l’arrivo dell’attaccante @SimoneDinoi pic.twitter.com/rf5SspK2OU
— TUTTOmercatoWEB (@TuttoMercatoWeb) July 17, 2023

Related





Source link