Kooxda Al Hilal ee ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga ayaa weerar kale oo lama filaan ah ku qaadaysa kooxda Liverpool iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Luis Diaz.
Sida ay sheegayaan warar haatan soo baxaya, Al-Hilal ayaa diyaarinaysa dalab 50 milyan oo euro ah si ay u helaan saxiixa xiddiga Luis Diaz inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Luis Diaz ayaa Liverpool muhiim u ahaa tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii January ee sanadkii 2022 kana mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.
Xiddiga reer Colombia ayaa dhawaan la siiyay Lambarka No.7 waxana la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro qaab ciyaareedka Liverpool ee xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin Al-Hilal ayay ka go’antahay in ay hesho saxiixa xiddiga garabka ciyaara si ay ugu xoojiso kooxdeeda inta lagu jiro suuqa.
Klopp ayaa ilaa haatan Luis Diaz U Arka xiddig muhiim u ah kooxdiisa laakiin lama ogaan karo waxa uu samayn doono hadii uu xiddigu codsado in uu boxo xagaagan.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.
Related