Chelsea iyo Manchester United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaya saxiixa xiddiga Kooxda Fulham ee Willian xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Brazil.
34-sano jirkaan ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay Premier League bishii September ee lasoo dhaafay markaasoo uu qandaraas hal sano ah u saxiixay Fulham.
Xiddiga reer Brazil ayaa noqday xiddiga ugu fiican Fulham xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 5 gool 5 kalena caawiye ka noqday.
Qaab ciyaareed Willian ayaa soo jiitay kooxaha Man United iyo chelsea kuwaas oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Brazil sida laga soo xigtay ESPN.
Wararka ayaa sheegaya in ayna wadahadalada labada kooxood kula jiraan xiddiga Willian in ayna ahayn kuwo horumar ah maadama ay u arkaan xiddig badal u ah bartilmaameedyadooda suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Fulham ayaa dhinaceeda si aad ah u doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Willian kaas oo noqday xiddig xor ah kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.
Sii Akhriso: Somaliya Oo Xaqiijisay In Ay Heshay Hub Casri Ah Xilli La Bilaabayo Wajiga Cusub Ee La Dagaalanka Al-Shabaab.

Related



Source link