Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in uu Marcus Rashford mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Man United qalinkana ku duugay heshiis cusub.
Marcus Rashford ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula sii joogi doono kooxda Man United.
Rashford ayaa 17 gool u dhaliyay Premier Legaue Man United waxana uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee looga bartay.
Xiddiga ayaa ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa laakiin waxa uu haatan kooxda u saxiixay heshiis cusub oo 5 sano ah.
“Waxa aan ku soo biiray Man United aniga oo 7 sano jir ah oo riyo wata, waxa sharaf weyn ii ah in aan sii wado xidhashada maaliyada Man United”ayuu Rashford yidhi.
“Waxa aan wakhti horebe kooxda la soo qaatay wakhti fiican oo taariikhi ah laakiin wali waxa ii dhiman wax badan oo aan la gaadho kooxda”

Related



Source link