Horyaalka sucuudiga ayaa bilihii ugu dambeeyay suuqa ugu jira si waali ah iyaga oo xiddigo waaweyn oo magac leh la soo saxiixday suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddigaha Benzema, Kante ayaa hogaamimanaya xiddigo badan oo magac leh oo ku biiray horyaalka sucuudiga suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laakiin waxa wali lala xidhiidhinayaa horyaalka sucuudiga xiddigo kale kuwaas oo ka ciyaara kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.
Xiddigaha Fabinho, Henderson ayaa hogaaminaya xiddigaha lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga waxana la filayaa in ay xiddigo badan ku biiraan horyaalka sucuudiga.
1.Fabinho:
Xddiga reer Brazil ayaa ah xiddiga ugu dhaw ee Benzema iyo Kante u raaci kara horyaalka sucuudiga iyada oo Liverpool iyo Al-Ittihad ay ka heshiiyeen qiimaha isla markaas haatan la dhamaystirayo heshiiska.
2.Jordan Henderson:
Heshiiskan ayaa sidoo kale ah mid dhaw iyada oo kabtaka Liverpool heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al-Ettifaq Iyada oo ay labada kooxood ee Liverpool iyo Al-Ettifaq ay ka wadahadalayaan qiimaha xiddiga.
3.Riyad Mahrez:
Waa xiddig kale oo ka ciyaara premier League oo lala xdihiidhinayo horyaalka sucuudiga iyada oo kooxda Al-Ahli doonayso xididga isla markaas heshiiska shaqasiga ah la gaadhay xiddiga.
4.Romelu Lukaku
5.Fred
6.Allan Saint-Maximin
7.Aleksandar Mitrovic
8.Paul Pogba
Related