Kooxda chelsea ayaa dalab 70 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Laakiin Brighton ayaa isla markiiba diiday dalabka Chelsea sida uu xaqiijiyay shabakada 90mim.
Xiddiga reer Ecuador ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Chelsea iyada oo suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah kadib markii ay lumisay xiddigaha khadka dhexe ee N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Ruben Loftus-Cheek & Mason Mount.
Chelsea ayaa dalab 70 milyan ah maanta miiska saartay si ay ugu tijaabiso go’aanka kooxda Brighton kadib markii ay horay uga diiday dalab 60 milyan ah.
Sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano, chelsea ayaa Brighton miiska saartay lacag dhan 70 milyan iyo waliba lacago gunooyin ah laakiin Brighton ayaa diiday.
Brighton ayaa chelsea u sheegtay in ay dalabkeeda gaadhsiso lacag dhan 100 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.

Related



Source link