Kooxda Bayern Munich ayaa natiijo aan caadi ahayn ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo 27/0 ku badiyay kooxda ka ciyaarta heerka 9-aad ee Germany ee Rottach-Egern.
Bayern ayaa 18/0 ku hor martay qaybta hore ee ciyaarta iyaga oo inta badna maamulayay iyaga oo kubada maamulayay 85%.
Inkasta oo ay kooxdu ka ciyaarta heerka 9-aad hadana Thomas Tuchel ayaa shax adag ku soo galay xilli uu tijaabinayo xiddigaha kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Tuchel ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigo ay ka mid yihiin Sadio Mane, Jamal Musiala, Serge Gnabry, Alphonso Davies, Marcel Sabitzer, Kingsley Coman, Leroy Sane & Dayot Upamecano
Xiddigaha Sabitzer, Musiala & Mathys Tel ayaa dhaliyay min 5 gool iyad ay 13 xiddig oo kala duwan goolal u dhaliyeen kooxda Bayern Munich.
Related