Andy Townsend ayaa shaki galiyay in Arsenal ay dhibco badan ka heli doonto Premier League xilli ciyaareedka soo socda inkastoo ay ku qarash gareeyeen in ka badan 200 milyan
Gunners Ayaa ilaa haatan samaysay suuq cajiib ah iyaga oo xoojiyay kooxda Mikel Arteta iyaga oo sameeyay 3 saxiix oo kala ah Hevertz, Rice iyo Timber.
Arsenal ayaa ku dhawaatay in ay ku guulaysato horyaalka Premier league markii ugu horaysay tan ilaa 2004 xilli ciyaareedkii hore iyada oo helay 84 dhibcood kadib 38 kulan oo ay ciyaareen.
Arteta ayaa doonaya in ay kooxdiisu ka fiicnaato sidii xilli ciyaareedkii hore kuna guulaystaan Premier League laakiin Towsend ayaa wali shaki ka qaba tayada Arsenal.
Mar la waydiiyay hadii uu Rice farqi samayn doono Rice kana caawin doono Arsenal in ay ku guulaysato horyaalka ayuu yidhi”Run ahaantii uma malaynayo, waxa ay kharash gareeyeen lacag badan waxana ay keeneen 3 xiddig oo fiican”.
“Havertz iyo Timber waa xiddigo fiican wayna caawin karaan kooxda Arsenal”.
“3-da xiddig maka caawin karaan Arsenal ku guulaysiga horyaalka? anigu ma aaminsani taas, 3-da xiddig wax weyn kama badali doonaan Arsenal umana arko in ay kaalinta 1-aad ku dhamaysan doonto”.
Sii Akhriso: Xisbiga UCID Oo Go’aan Ka Soo Saaray Go’aamintii Doorashooyinka Somaliland.

Related



Source link