Bruno Fernandes ayaa qarka u saaran in loo magacaabo Kabtanka cusub ee kooxda Man United kadib markii Erik Ten Hag masuuliyada ka qaaday Harry Maguire.
Daafaca dhexe oo ka baxay qorshaha Tababare Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay Axadii in laga qaaday masuuliyada kabtanimo ee kooxda Man United.
Haatan wargayslka A Bola ee ka soo baxa dalka Portugal ayaa sheegaya in Ten Hag haatanba go’aansaday in Bruno Fernandes noqdo kabtanka tooska ah ee Man United.
Fernandes ayaa xilli ciyaareedkii hore ahaa kabtanka kooxda marka uu Magire kaydka ku jiro waxana uu noqday kabtanka kooxda kulamo badan.
Laakiin Waxa loo magacaabi doonaa kabtanka tooska ah ee kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.
Bruno ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Man United waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkii hore.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya
Related