Kooxda Arsenal ayaa dhawaan dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda West Ham.
Arsenal ayaa Declan Rice ka soo bixisay lacag rikoodh ah oo dhan 105 milyan oo euro iyaga oo ka saxiixday heshiis 5 sano ah.
Rice ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan England isaga oo Gunners ugu biiray lacag rikoodh ah kana dhigaysa sidoo kale xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal.
Xiddiga Rice ayaa kooxda Arsenal ka dalbaday Lambarka No.41 kadib markii uu ku soo biiray kooxda, Arsenal ayaana u ogolaatay dalabka xiddiga inkasta oo aan xiddigaha kooxda 1-aad loo ogolayn lambarada aadka u waaweyn.
Rice ayaa horay West Ham ugu xidhan jiray Lambarka No.41 waxana uu sii wadan doonaa xidhashada Lambarka Xirfadiisa kooxda Arsenal.
Hadaba waa maxay sirta ka dambaysa No.41 ee uu Rice mar walba doorto.
Rice ayaa qaatay No.41 ee kooxda Arsenal waana Lambarka uu xirfadiisa oo dhan ku ciyaaray ama soo xidhnaa sababta ayaana ah in uu Mid ka mid ah shaqaalaha West Ham u dooray Lambarka markii uu da’yarka ahaa.
Declan Rice ayaa kadib wacdaro ku soo dhigay Lambarka wixii intaas ka dambeeyayna waxa uu go’aansaday in uu sii wato lambarka inkasta oo loo soo bandhigay lambaro badan oo ka fiican.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.

Related



Source link