Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Harry Maguire (90min).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kalvin Phillips iyaga oo u doonaya badalka Fabinho (Mirror).
Kooxda Man Unied ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga kooxda Fulham ee Joao Palinha (Talksport).
Tababaraha Man United Ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu iska iibiyo xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay si uu ugu xoojiyo kooxdiisa (Metro).
Goolhayihii hore ee Man United David De Gea ayaa ku biiraya horyaalka sucuudiga (Daily Star).
Kooxda Man United ayaa West Ham ka diiday dalab ay amaah ah oo ay kooxda reer London ku doonayso daafaca (Mail).
Kooxda Bayern Munich ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka (Sky Germany.
Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa u safri doona France si uu wadahadalo ula qaato xiddiga Kylian Mbappe (L’Equipe).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Florentino Luis (Neil Jones).
Kooxda Man City ayaa loo soo bandhigay saxiixa daafaca bidix ee kooxda Barcelona Alejandro Balde (Mundo Deportivo).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee David Alaba (90min).
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.
Related