Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Andre Onana kaas oo ay kala soo wareegtay Inter Milan.
Man United ayaa Onana ka dhigtay saxiixa 2-aad ee ay samaysay suuqa xagaagan.
Erik Ten Hag aya Onana ka dhigtay bartilmaameeskiisa 1-aad si uu ugu buuxiyo booska David De Gea oo ka tagay kooxda.
Man United ayaa wadahadalo muddo dheer kula jirtay Inter si ay ugala heshiiso saxiixa Onana.
Romano ayaa Haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay United dhamaystirtay saxiixa Onana.
Waxa kaliya ee haatan heshiiska ka dhiman ayaa ah in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.
Onana ayaa ka mid noqon doona 5 goolhaye ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya

Related



Source link