Jurrien Timber ayaa shaaca ka qaaday awooda uu u leeyahay in uu ciyaaro ciyaarta baaska ah ay sabab u tahay in uu ku biiro Gunners xagaagan.
Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay Timber kala soo wareegtay Ajax todobaadkii hore iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 40 milyan oo euro.
Daafaca ayaa ka mid ahaa 3 saxiix oo ay Arsenal samayso suuqa xagaaga iyaga oo doonayay in ay xoojiyaan kooxda.
Isaga oo la hadlaya Tv-ga Arsenal, Timber ayaa sheegay sababta uu ugu biiray kooxda Arsenal isaga oo sheegay in ay Arsenal la qaab ciyaareed tahay Ajax.
“Qaab ciyaareedka Arsenal iyo Ajax way is shabahaan, inkasta oo uu premier League ka weynyahay horyaalka Holland waxa aan u doortay Arsenal ayaa ah qaabka ay u ciyaarto”ayuu Timber yidhi.
Timber ayaa kooxda Arsenal uga ciyaara kara daafaca dhexe iyo waliba sidoo kale garabka midig ee daafaca taas oo faa’iido weyn u ah Mikel Arteta.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.

Related



Source link