Jorginho ayaa shaaca ka qaaday inuu ka caawiyay Arsenal saxiixa saaxiibkiisii hore ee Chelsea Kai Havertz inuu ku biiro Arsenal xagaagan.
Havertz ayaa soo gabagabeeyay seddexdii sano ee uu joogay Stamford Bridge isagoo si lama filaan ah ugu biiray Arsenal bishii hore isagoo ugu biiray 65 milyan euro.
Xiddiga reer Germany ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogayo Arsenal, Jorginho ayaana haatan sheegay in uu door ka qaatay ku biirista Havertz ee Arsenal.
Mar wax laga waydiiyay imaatinka Havertz ee Arsenal, Jorginho ayaa u sheegay The Arsenal Tour Diary:”Aad bay u fiican tahay”.
“Markii aan maqlay inay suurtogal tahay, isla markiiba waan wacay. Waxaan ku idhi “tani ma runbaa?” Wuxuu yidhi “haa, waa suurtogal”, “waxan u sheegay in uu yimaado”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.
Related