Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka xiddiga Fabinho kaas oo qarka u saaran ku biirista kooxda Al-Ittihad ee horyaalka sucuudiga.
Liverpool ayaa aqbashay dalab 40 milyan ah oo ay ku iibinayso xiddiga reer Brazil ee Fabinho kaas oo haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxdiisa Cusub.
Klopp oo isku diyaarinaya bixitaanka Fabinho ayaa haatanba isku diyaarinaya in uu dalab ka gudbiyo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kalvin Phillips.
Liverpool ayaa Kalvin Phillips u aragta xiddiga buuxin kara booska Fabinho marka uu ka tago kooxda Maalmaha soo socda.
Kalvin Phillips ayaa ku dhibaatooday Man City tan ilaa markii uu ku biiray xagaagii hore isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Man City ayaa laga yaabaa in ay Kalvin Phillips iska iibiso hadii ay hesho qiimo ay ku qanacdo xilli uu Guardiola isku diyaarinayo isku shaandhayn khadka dhexe ah.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya

Related



Source link