Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Harry Maguire iyadoo daafaca uu haatan doonayo inuu ka tago Manchester United xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Maguire waxa uu damacsanaa in uu u dagaalamo booskiisa Old Trafford ka dib markii uu hoos u dhac dookhyada tababare Erik Ten Hag xilli ciyaareedkii hore.
Si Kast ha ahaatee Ten Hag ayaa masuuliyada kabtanimada ka qaaday Maguire ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Sida laga soo xigtay The Sun, Maguire ayaa ka xanaaqsan sida uu ten Hag uga qaaday masuuliyada kabtanimada waxana uu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda.
Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato arintaas una dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe.
Tababaraha chelsea ayaa doonaya in uu xiddiga reer England ku xoojiyo daafaciisa xilli ciyaareedka soo socda.

Related



Source link