Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 70 milyan oo euro ah ka gudbin doonto xiddiga Brighton Moises Caicedo todobaadkan.
Blues ayaa diyaar u ah in ay sare u qaado baacsiga ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ka dib markii ay ka tageen N’Golo Kante, Mason Mount, Ruben Loftus-Cheek iyo Mateo Kovacic xagaagan.
Kooxda Todd Boehly ayaa mar hore heshiis shaqsi ah la gaartay 21-sano jirkaan, waxaana kaliya uga dhiman dhamaystirka saxiixa in ay heshiis la gaadhaan kooxda Brighton.
Brighton ayaa chelsea ka diiday dalab 60 milyan ah laakiin kooxda chelsea ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ka horumarsan dalabkii hore.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, Brighton ayaa doonaysa in ay Caicedo ku iibiso 100 milyan oo euro kadib markii ay Arsenal 105 milyan kula wareegtay Declan Rice.
Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xaqiijiyay In Weerar Lagu Soo Qaaday.

Related



Source link