Ku biiristii Declan Rice ee Arsenal ayaa ugu dambayn rasmi ah loo dhamaystiray iyada oo Gunners ku dhawaaqday saxiixa xiddigii hore ee West Ham.
Sida laga soo xigtay ilo sare oo badan, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa mushahar ahaan u qaadan doona ku dhawaad ​​250,000 oo ginni isbuucii.
Sidaas darteed Xiddiga 24 jirka ah ayaa noqday xiddiga 3-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal kadib markii uu ku soo biiray kooxda.
Rice ayaa ka dambeeya xiddiga Kai Havertz iyo Gabriel Jesus kuwaas oo ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Arsenal.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha Ugu Mushaharka badan Arsenal:
Kai Havertz: £330,000-Todobaadkii
Gabriel Jesus: £265,000-Todobaadkii
Declan Rice: £250,000-Todobaadkii
Thomas Partey: £200,000-Todobaadkii
Bukayo Saka: £195,000-Todobaadkii
William Saliba: £192,000-Todobaadkii
Gabriel Martinelli: £180,000-Todobaadkii
Oleksandr Zinchenko: £150,000-Todobaadkii
Nicolas Pepe: £140,000-Todobaadkii
Ben White: £120,000-Todobaadkii
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya

Related



Source link