Kooxda Livrerpool ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka xiddiga khadka dhexe ee Fabinho kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda kuna biiro horyaalka sucuudiga.
Liverpool ayaa durba raadinaysa badalkiisa ka hor inta uuna xiddigu u dhaqaaqin horyaalka sucuudiga waxana ay diyaartay Liis xiddigo ah.
Xiddiga Southampton Romoe Lavia, Xiddiga Man City ee Kalvin Philips, Xiddiga Bayern Munich ee Ryan Gravenberch iyo xiddiga Fiorentina ee Sofyan Amrabat ayaa ka mid ah xiddigaha ay Liverpool isha ku hayso.
Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool heshay dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro waxana ay diyaarinaysaa xiddiga ugu munaasibsan ee ay ku buuxiso booska Fabinho.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay hesho xiddig diyaar u ah in uu haatanba buuxiyo booska Fabinho oo ayna u baahnayn xiddig u baahanaya wakhti uu kula qabsado kooxda.
Sii Akhriso: Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo U Gogol Xaadhaya Soo Saarista Jawdalka Doorashooyinka La Qaban Doono, Maxay Sameeyeen?

Related



Source link