Ilkay Gundogan ayaa si rasmi ah ugu biiray Barcelona, taageerayaasha Manchester Cityna kuma faraxsana arrintaas.
Sidoo kale kuma faraxsana ku biiritaanka Declan Rice ee Arsenal wax yar ka dib markii lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Man Cty.
Xaqiiqdii, Qaar ka mid ah taageerayaasha Man City ayaa xitaa Arsenal u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.
Chloeee ayaa qoray:”Waan ka qoomameyn doonnaa in aan la soo saxiixan Rice kadib markii uu Gundogan ka tagay kooxda kuna biiray Barcelona, waxaan runtii u maleynayaa in horyaalka ay Arsenal ku guulaysan doonto xilli ciyaareedka soo socda”
“Kadib markii aan luminay Gundogan sidoo kale ay Arsenal la soo saxiixatay Rice, Timber iyo Havertz, Arsenal ayaa ah kooxda ugu fiican horyaalka wayna ku guulaysan doonaan”ayuu mid kale qoray.
“Liverpool waxa ay luminaysaa kabtankeeda iyo kabtan ku xigeenkeeda, Man City waxa ay lumisay Gundogan waxana ay lumin kartaa Walker, Arsenal meel ha loo saaro horyaalka”ayuu mid kale qoray”.
Sii Akhriso: Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo U Gogol Xaadhaya Soo Saarista Jawdalka Doorashooyinka La Qaban Doono, Maxay Sameeyeen?
Related