Harry Maguire ayaa daaha ka qaaday inuusan haatan ahayn kabtanka Manchester United, iyadoo daafaca dhexe la sheegay inuu ka tagi doono kooxda xagaagan.
Xiddiga reer England ayaa sii haysta calaamada kabtanimada xilli ciyaareedkii hore inkasta oo uu ahaa xiddig kaydka fadhiyay intii badnayd xilli ciyaareekii dhamaaday.
Maguire ayaa booskiisa u waayay xiddigaha Lisandro Martinez & Raphael Varane kuwaas oo ahaa dookha 1-aad ee kooxda Man United.
“Kadib wadahadal aan la yeeshay tababaraha maanta waxa uu igu war galiyay in uu badalayo kabtanka”ayuu Maguire yidhi.
“Waxa uu ii sheegay sababaha uu iiga qaaday masuuliyada kbatanimada, shaqsi ahaan aad ayaan uga niyad jabay”ayuu sii raaciyay
“Waxa aan haatan sii wadi doonaa in aan difaaco maaliyada kooxda mar walba oo aan xidho”.
 

Related



Source link