Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong u soo bandhigto kooxda Man City si uu uga qayb ahaado saxiixa ay ku donayaan Bernardo Silva (Mirror).
Madaxweynihii hore ee Bayern Munich Uli Hoeness ayaa xaqiijiyay in uu Harry Kane doonayo in uu ku biiro Bayern (Kicker).
Kooxda Tottenham ayaa xiddiga Juventus ee Dusan Vlahovic u doonaysa badalka Harry Kane (Rudy Galetti).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al-Ettifaq laakiin kooxda ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin Liverpool (Fabrizio Romano).
Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa diyaar u ah in uu isaga tago chelsea kuna biiro kooxda Marseille (Goal).
Romelu Lukaku ayaan ku biiri doonin Inter Milan kadib markii ay Juventus ku biirtay tartanka xiddiga (Romano).
Inter Milan ayaa dareenkooda u jeediyay saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun (Sky Sports Italia).
Kooxda Ac Milan ayaa Inter kula biirtay baacsiga xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Folarin Balogun (Sportsmole).
Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ula xiriiri doonta Harry Kane, laakiin waa haddii ay hubiyaan inuu si xaqiiqo ah u diyaarsan yahay inuu ka tago Tottenham (Times).
Related