Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay iibiso 4 xiddig oo kooxdeeda ah inta uu furnayahay suuqa kala iibsiga xagaaga.
Chelsea ayaa iibisay xiddigo badan ilaa haatan suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo Pochettino isku shaandhsyn ku samaynayo kooxdiisa.
Blues ayaa sii wadi doonta nadiifinta kooxda iyaga oo iska iibin doono 4 xiddig oo kale inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang, Romelu Lukaku, Callum Hudson-Odoi & Hakim Ziyech ayaa ka mid ah xiddigaha ay iska iibiyaan xagaaga.
Xiddigaha 4-ta ah ee ay doonayso chelsea in ay iska iibiso ayaan ka mid ahayn qorshaha tabaabraha cusub ee xilli ciyaareedka cusub.
Ziyech ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Al-Nassr laakiin waxa uu ku dhacay tijaabada caafimaadka kooxda halka Romelu Lukaku wadahadalo kula jiro kooxda Juventus Iyo Inter Milan.
Ilaa haatan waxa ay cid u laadahay xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Callum Hudson-Odoi kuwaas oo aan wax dalab ah u iman.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.
Related