Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez.
Xiddiga reer Argentine ayay Bayern u calaamadsatay badalka macquulka ah ee Harry Kane kaas oo ah bartilmaameedkooda 1-aad.
Sky Deutschland ayaa sheegaysa in wadahadaladii ugu dambeeyay ee Bayern iyo Spurs ay ahaayeen kuwo wanaagsan, laakiin ay macquul tahay in reer London aysan fasaxin 29 jirka Kane xagaagan.
Xaaladdaas, Bayern ayaa isku dayi karta inay Kane kala xaajooto heshiis horudhac ah laga bilaabo bisha January si ay qaab xor ah ugu helaan xagaaga dambe.
Beddel ahaan, Bayern ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka City Alvarez.
23 jirka reer Argentine ayaa xilli ciyaareedkii hore saftay 49 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 17 gool waxana uu caawiye ka noqday 5 kale.

Related



Source link