Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Frenkie de Jong u adeegsanayso soo xero galinta xiddiga Bernardo Silva inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Barcelona ayaa la sheegayaa in ay si dhab ah u doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bernardo Silva waxana ay diyaar u tahay in ay saxiixiisa kula tartanto kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.
Dhinaca kale Man City ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Sidaas darteed Barcelona ayaa xiisaha Man City ee Frenkie de Jong u adeegsanaysa in ay ku hesho saxiixa xiddiga Bernardo Silva.
Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Barcelona ayaa ka war qabta saxiixa xiddiga De Jong waxana ay doonaysaa in ay Man City u soo bandhigto.
Barcelona ayaa doonaysa in ay labada kooxood si toos ah isku dhaafsadaan labada xiddig taas oo ay u aragto heshiis munaasib ku ah labada kooxood.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.
Related